Boqor Cabdullahi Boqor Muuse oo maanta lagu aasey Magalada Qardho

0
199

Janaasadii King KongAllaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay  magaalada Qardho marxuum Boqor C/llaahi Boqor Muuse King-Kong oo bishii hore ku geeriyooday xarunta dalka Finland, kaddib markii uu halkaa ku xanuunsaa muddo bilooyin ah.

Aaska boqorka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madax ka socotay dowladda Federaalka Soomaaliya, cuqaal, waxgarad iyo dadweyne kale oo dalka dibaddiisa iyo gudiisa isaga kala yimid.

Maydka marxuumka ayaa lasoo marsiiyay Muqdisho intii aan loo duulin magaalada Qardho oo lagu aasay, waxaana salaaddii janaasada kula tukaday garoonka diyaaradaha Muqdihso madaxda Soomaalida oo ay ku mid ahaayeen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Boqorka ayaa lagu aasay qubuuro lagu magacaabo Xorgoble, waxaana ka jeediyay halkaas hadallo kala duwan mas’uuliyiintii iyo waxgaradkii ka qayb-galay aaskiisa, iyagoo sheegay inuu ahaa nin Soomaalinimadu aad ugu weyn tahay.

 

Daafeet.Com