Maamulka Gobolka Bakool oo sheegey iney sii wadi doonan dagalka ey kula jiraan Alshabab

0
168

bakoolTaliska ciidamada meleteriga dowlada ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in qorshohooda uu yahay siiwadida dagaalada ay kula jiraan Ururka Al shabaab.

Taliyaha ciidamada dowlada ee Gobolka Bakool Cali Salaad ayaa sheegay in ciidamada dowlada qorshohooda dagaal ee Gobolka Bakool uu yahay sii dardar gelinta dagaalada ay kala hor jeedaan Ururka Al-Shabaab.

Waxa uuna taliyaha ciidamada dowlada ee Gobolka Bakool sheegay in dagaalkooda ay u badeleen qaab ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, isagoona tilmaamay in cid ku gacan siineysa dagaaladaasi aysan jirin ayaga kaliyana ay ka go’antahay siinwadida dagaalada ka dhanka ah Ururka al Shabaab.

Dhawaan ayay aheyd kolkii uu gudomiyaha gobolka bakool uu sheegey in ciidamada jooga gobolka eysan ka helin wax mashaar ah ama wax gacan ah xukuumada federalka

Daafeet.Com