Kulan albaabada laysu xirtay ayaa waxa uu galabta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Kulankan oo ahaa mid u dhexeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo tiro ahaa dhamaa 55 Xildhibaan iyo Mas’uuliyiinta dalka ugu sareyso oo ay hormuud ka ahaayeen Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaalada dalka iyo weliba ilaalinta nidaamka ay Soomaalidu wax ku qaybsatay iyadoo halkaasina ay Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ay u soo bandhigeen Madaxweyne Xasan Xadgudubka xukuumadiisa ay u gaysatay qaybtii Digil iyo Mirifle.
Hadal dheer iyo gorfayn ka dib ayaa shirkii waxa uu ku soo idlaaday is afgaranwaa oo labada dhinacba waxay ku fashilmeen inay is dhegaystaan kadibna waxaa shirkii isaga baxay Xildhibaanadii Digil iyo Mirifle oo lasocdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari sida uu inoogu waramay Xildhibaan Yacquub Cali oo isagu ka mid ahaa xildhibaanadii shirka fashilka ku dhamaaday la qaatay Madaxweyne Xasan Shiikh.
Halkan ka dhegayso