Taliyaha ciidanka Boliska iyo kan Nabadsugida oo maanta lagu dhaariyey Magalada Muqdisho

0
200

13378Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu dhaariyay saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo kan Nabadsugida oo khamiistii aan soo dhaafnay Golaha Wasiirada Soomaaliya ay meel mariyeen.

Xaflada lagu dhaarinayay Saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa Nabadsugida ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf ayaa dhaariyay saraakiisha cusub kuwaasi oo ku dhaartay inay dalkooda iyo dadkooda wax uqabanayaan si daacad ahna ugu shaqeynayaan.

Dhaarinta kadib Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobta ka hadlay isaga oo ku dheeraaday dar-daaran ujeedinta saraakiisha cusub ee hogaanada looga dhigay Booliiska iyo Nabadsugida Soomaaliya.

 

Daafeet.Com