Ergeyga gaarka ah ee midowga africa u qaabilsan somaliya oo soo dhaweeyey imaanshaha ciidanka siera leone ey yimaadeen somaliya

0
130

anadifErgayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif,ayaa soo dhaweeyay xubnaha ciidamada Jamhuuriyada Siera Leone ee soo gaaray Muqdisho,kuwaasi oo qeyb ka noqday AMISOM.

Maxamed Saalax Annadif ayaa arintaan wuxuu kaga mahad celiyay Madaxda dowlada Siraliyoon,isagoona sheegay in ku biiritaanka howlgalka AMISOM ciidamada Siraliyoon ay ka qeyb ka tahay siiwaditaanka dagaalada lagula jiro Al-shabaab.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Anadif in dowlada Siraliyoon ciidamadooda ay ku noqonayaan wadankii shanaad ee ciidamada u soo dira Soomaaliya.

Hadalka Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa ayaa imaanaya xilli maalintii shalay aheyd ciidamo ka scoda Siraliyoon ay soo gaareen Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u jeedkooda yahay inay ku biiraan howlgalka AMISOM.

Daafeet.Com