Kenya oo shegtey in qaar ka mid ah ciidamadeeda kala bixi doonto konfurta somaliya dhawaan

0
212

kdfDowladda Kenya ayaa sheegtay in cutub ka mid ah ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM ay kala baxayso koonfurta Soomaaliya mar halkaas la geeyo ciidamda ka socda dalka Sierra Leone.

Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Cyrus Oguna ayaa sheegay in ciidamada loogu talo galay inay ka howgalaan Koonfurta Soomaaliya ay gaarayaan 4664 askri dhammaantoodna ay Kenya geystay, balse ay la baxayaan haddii ay soo gaaraan dalka Ciidamada Sierra Leone.

Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa la sheegay inay ka howgeli doonaan Koonfurta Soomaaliya ayna ka barbar shaqeyn doonaan kuwa ka socda dalka Kenya oo gacanta ku haya magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Col. Oguna oo wax laga weydiiyay maamul u sameynta Jubbooyinka oo la sheegay inay gacanta kula jirto dowladda Kenya ayaa taas iska fogeeyay, wuxuuna sheegay in howshaas ay waddo IGAD ayna meel wanaagsan marayso.

Daafeet.Com