Madaxweynaha Dowlada federalka oo si rasmi ah u furey shirka dib u habeynta Garsoorka

0
27

xasanMadaxweynaha dowlada federalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay goor-dhaweyd shirweynaha dib u habeynta garsoorka dalka oo socon doona muddo shan maalmood ah, kaasoo looga hadlayo sida ugu habboon ee garsoorka loogu kalsoonaan karo.

Xasan Sheekh ayaa khudbad uu meesha ka jeediyay wuxuu sheegay in ujeeddada shirkan loo qabanayo ay tahay in la helo fikrado ku saabsan sidii garsoorka dalka uu u noqon lahaa mid dadka Soomaaliyeed oo ah kalsooni buuxda ku qabaan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhaqaalaha shirka ku baxaya uu yahay mid ay bixinayso dowladda Soomaaliya oo aan meel kale ka imaan isagoo sheegay in ujeeddaduna ay tahay inay kasoo baxaan shirkan wax ay Soomaalidu leedahay.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in ergada ka qayb-galaya kulanka ay oo tiradoodu tahay 150 looga baahan yahay inay soo saaraan qodobbo muhiim ah oo ah qaabka ugu habboon ee wax looga bedeli karo garsoorka.

Daafeet.Com