Dowlada Somalia iyo Imaaraadka oo Hishiis dhinacyo badan ah kala saxiixdey

0
20

Somalia-United-Arab-EmiratesDowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis is-faham cusub oo ku aaddan wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

Heshiiska ayaa la sheegay in lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, diblumaasiyadda, dhaqaalaha, maalgashiga iyo waaxyaha horumarinta, sida ay baahisay warbaahinta dalka Imaaraadka Caraabta.

Heshiiska ayaa waxa uu udub dhaxaad u noqonaya xiriir diblumaasiyadeed oo si deg-deg ah loo hirgaliyo iyo in dowladda Imaaraadka Carabta ay safaarad ka furato magaalada Muqdisho.

Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka dhaqaale ahaan aadka u horumaray ee Bariga Dhexe, ayaa ballan qaaday in uu qeyb weyn ka qaadan doono dib u dhiska Somaaliya.

 

Daafeet.Com