Dhegayso…Warbixin dhab ka hadal ah oo ku saabsan mustaqbalka Qabqable Axmed Madoobe

0
40

amedQabqablaha dagaal ee loogu yeero Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo horjooge u ah koox Diimeedka mayalka adag ee Raaskambooni ayaa waxa uu ka mid yahay tiro yar oo ka soo hartay qabqablayaashii dagaalka Soomaaliyeed ee waa’ ka kala talin jiray magaalooyin iyo gobolo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Qabqablayaashaasi ayaa 99% kiiba waxay ahaayeen oo beel ahaan ay kasoo jeedeen beelaha Hawiye haatan oo burburkoodii laga soo wareegay ku dhowaad Todobo sanadood ayaa waxaa soo muuqdo oo hada madaxa lasoo kacaya Qabqablayaal dagaal oo kasoo jeeda beelaha Daarood kuwaasi oo maanta u hamuun qaba waxa ay Hawiye ku lugo iyo Adimo beeleen sanado ka hor.

Hadaba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ah kan maanta ugu astaanta dheer kolka laga hadlaayo qabqablayaasha Daarood ka sokow Dhiigya cabka Faroole ayaa waxa uu u muuqdaa nin Haamo Eber ah ku raran safar aan dhamaad lahayana u dhaan tagay.

Raysal wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo tagay magaalada Kismaayo ayaa kala soo laabtay magaaladaasi wax aysan ku farxin ka dib markii ay isfahmi waayeen hogaamiye kooxeedka Diimaysan ee kooxda Raaskambooni Axmed Madoobe.

Halkan ka dhegayso warbixinta

Warbixinta bukto