Xarakada Alshabab ee ka arimisa Buula Mareer oo xabsiga dhigey rag ey ku qabteen Jaad

0
242

khadMaleeshiyada al-Shabaab ee ku sugan magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xirtay siddeed qof oo ay sheegtay inay isku dayayeen inay qaab dhuumaaleysi ah jaad ku geliyaan magaalooyinka Buulo-Mareer iyo Kurtunwaarey.

Ragga la xiray ayaa la sheegay inay si dhuumaaleysi ah jaad ku gelin jireen magaalada Buulo-Mareer, iyagoo jaadka ka keeni jiray magaalada Marka ee xarunta gobolka oo haatan ku jirta gacanta ciidanka dowladda Soomaaliya.

Horjooge ka tirsan al-Shabaab ayaa sheegay in xukun xabsi ah lagu ridi doono dadka la xiray, lana gubi doono jaadka.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa horey uga mamnuucday deegaannada ay ka taliso in laga ganacsado jaadka.

 

Daafeet.Com