Maxkamadda rafcaanka ayaa goor dhowayd ku dhawaaqday go’aanka ay ka gaartay dacwadda haweeney sheegtay inay kufsadeen askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto), oo ah weriyihii haweeneydaasi wareystay.
Maxkamadda rafcaanka ayaa dib xorriyaddeeda u siisay haweeneyda sheegtay in la kufsaday, iyadoo ka ridday xukunkii xabsiga halka sano ahaa ee 5-tii February maxkamadda gobolka Banaadir ay ku ridday haweeneyda.
Hase yeeshee maxkamadda ayaan laalin xukunkii xabsiga ee lagu riday weriye Koronto, balse waxay yareysay muddadii halka sano ee lagu xukumay, iyadoo xabsigiisa ka dhigtay lix bilood.
Hay’adda u doodda xuquuqda bini’aadamka ee fadhiggeedu yahay Maraykanka ee Human Rights Watch ayaa jawaab deg-deg ah ka soo saartay xukunka, iyadoo sheegtay in maxkamadda rafcaanka ay seegtay fursad ay ku saxi kartay khalad aad u xun, oo ay ugu daneyn lahayd weriyaha iyo xorriyadda hadalka ee Soomaaliya,” ayuu yiri Daniel Bekele, agaasimaha hay’adda HRW u qaabilsan qaaradda Afrika.
Daafeet.Com