Ciidamada Jabuutiyaanka ah oo maanta gaarey Gobolka Galgaduud

0
135

jabutiCutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ay weliyaan ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo saakay ka ababaxay magaalada Baladweyne ayaa gaaray deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud bartamaha Soomaaliya.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ciidamada hor kacaya ayaa sheegay in ay halkaa u tageen xaqiijinta amniga gobollka oo ay dhawaan booqan doonaan wafdi sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wariye la socda ciidamada oo la hadllay HOL ayaa sheegay in xiligan ay ku sugan yihiin degmada Dhuusa-mareeb ee gobollka Galguduud horayna u soo mareen ciidamada AMISOM degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel.

Guddoomiyaha gobollka Galguduud ee dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Ciyoow ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka howlgalka midowgga Africa AMISOM iyaga oo xaqiijin doona amniga degmooyinka gobollka ka hor inta aysan gaarin wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya.

 

Daafeet.Com