Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mutea Iringo oo saxaafada kula hadlayay gudaha Magaalada Nairobi ayaa sheegay in xaalada adag la gilin doono goobaha codbixinta,islamarkaana ciidamo dheerad ah la geyn doono xadka Kenya uu la wadaago Soomaaliya,isagoona tilmaamay in laga hortagayo weerar kaga yimaada Al-shabaabka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale Mutea Iringo,ka hadlay Soomaalida ku dhaqan deegaanada ku dhow xadka Kenya uu la wadaago Soomaaliya inay ahaadaan kuwo ka feejigan Al-shabaabka Soomaaliya,isagoona hoosta ka xariiqay in dowlada ka warqabto dagaalyahanadaasi islamarkaana wax laga qaban doono, ayuu yiri Mutea Iringo.
Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga qaranka Mutea Iringo, ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada amaanka ay ku jiraan dadaalkoodii ugu danbeeyay,islamarkana si weyn loo ilaalinaya deegaanada waqooyiga ku yaala ee ka agdhow xuduuda Kenya Soomaaliya iyo itoobiya la wadaagto.
Ciidamo gaar ah ayaa la geeyay Magaalooyinka ku yaala xadka Kenya uu la wadaago Soomaaliya,kuwaasi si gaar ah amaanka u adkeynaya.
Daafeet.Com