Qeybo ka mid ah Gobolka Bay oo ey ka taagan tahay Biyo La,aan

0
154

biyo garDeegaanno ka tirsan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto biyo la’aan xooggan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool deegaannadaas.

Biyo la’aantan ayaa la sheegay inay ka dhalatay xilliga roobka sannadkan oo aad u yaraa, waxaana deegaannadaas ay kala yihiin” Hagarka, Soomow, Qasasheeb, Tigow, Waab-doorre, Hagarka, Bakaaro Shillin, Buulo-Hareeri iyo Kaalimow.

Tuulooyinkan ayaa waxaa biyaha looga keenaa deegaanno ka fog-fog oo u jira 15-km, goobahaas ay biyaha ka doontaan waxaa la yiraahdaa Roobey-gaduud iyo Hurubow waxaana ku yaalla ceelal rig ah.

Shacabka ku dhaqan tuulooyinkaas biyo la’aantu ka jirto waa kuwo aan qabin ceelal riig ah, balse waxay biyaha ka helaan waro ama godad biyo keydiyayaal ah kuwaasoo dhammaantooda guray, xillaga hadda lagu jiro waa xilli aad u kulul oo jiilaal ah oo ay bisha Maarso tahay bilow.

 
Daafeet.Com