Reysalwarasaha Dowlada Somaliya oo maanta Qudbad ka jeediyey Barlamanka

0
228

Shirdoon-RW1Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta khudbad uu kaga warbixinayay waxyaabihii u qabsoomay muddada 100-ka maalmood ah ee ay xukuumaddiisu shaqeynayso ka horjeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ay soo xaadireen 151 xidhibaan ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo khubad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyay kulanka baarlamanka ayaa ku soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee ay shaqeynaysay, isagoo xusay in hormar ballaaran ay ka gaartay arrimaha dhaqaalaha dalka iyo daryeelka bulshada.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay in adeegyada bulshada ay horumar ka gaareen sida caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo xusay in xukuumaddu ay wax weyn ka qabtay caafimaadka dalka, ayna dhameystirtay qorshayaasha caafimaad ee dalka afarta sano ee soo socda.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in waxbarashada dalka ay qorshayaal u dejiyeen, kuwaasoo ay ka mid yihiii in hal milyan oo caruur Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho, dibna loo furo iskuuladii ay dowladdu maamuli jirtay.

Khudbadiisa ayuu sidoo kale kusoo qaaday sharciyadii ay golaha wasiirradu ansixiyeen intii ay xukuumaddu jirtay ayaa wuxuu sheegay inay ansixiyeen, sharciga maaliyadda, kan garsoorka, xeerka guddiga xuquuqul insaanka, hidisaha sharciyada maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, sharicga bankiga horumarinta Soomaaliya iyo canshuuraha iyo kuwo kale, isagoo xusay inay sharciyo kale oo ay ka mid yihiin midka isgaarsiinta iyo saxaafadda ay gacanta ku hayaan, ayna u soo gudbin doonaan baarlamaanka markii ay go’aan ka garaaan.

Daafeet.Com