Munaasabadan oo ahayd mid xilalka ay ku kala wareegayeen Godoomihii hore ee G/ka bay C/fataax Geesey & Gudoomiyaha Cusub ee dhawaantan Lamagacaabay Dr. Abdi Aadan Hoosow.
Waxaa munaasabada kasoo qaybgalay Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane C/kariin Xuseen Guuleed & Wasiirka Gaashandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi & Saraakil katlirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaliya.
Gudoomihii hore ee maamulka Gobolka Bay Geesey aya waxa uu sheegey Inuu xilkii kuwareejiyey Gudomiyaha Cusub ee Maamulka G/ka Bay Dr. Hoosow asagoona sheegey in arinkan ay kadanbaysay kadib kulamo iyo wadatashiyo uu laqaatay Mas’uuliyinta Sare ee dowlada Soomaliya .
Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka G/ka Bay Dr. Abdi Aadan Hoosow ayaa soo dhaweeyey xilkaan loo dhiibay asagoona balanqaaday inuu xooga saaridoono Maamulkiisa Xaqiijinta Amaanka & Soocelinta Adeegyada Guud ee Bulshada . Asagoona Shacabka &Saraakiisha Ciidanka kadalbaday in ay lashaqeeyaan Maamulka islamarkaana ay keenaan Talooyinkooda ku aadan dhismaha Gobolka Bay.
C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Maamulkii Geesey uu hogaaminaayay uu wax kaqabtay Amaanka Gobolka islamarkaana ladagaalamay Alshabaab degmooyin farabadana soo geliyey Gacanta Dowlada waxaana uu ku Amaanay Gudomiyaha Cusub inuu Nasiibka Saacidey islamarkaana degmoyin badan oo kamaqnaa Maamulka Gobolka haatan ay ku jiraan Gacanta Dowlada
Wasiirka Arimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegey in Maamulkan Cusub ay horyaalan Howlo Badan oo ay kamid tahay Dib uheshiisin loo sameeyo beelaha Soomaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Bay. Waxaana uu sheegay in maamuladii isbadelka lagu sameeyay ay haaystaan mudo lix bil ah kadibna loo gudbi doono in Shacabka ay soo doortaan Qofki ay aygu doonayaan.
Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka oo Gobtaas kahadlay ayaa sheegey in ay soo dhawaynayaan isbedelka lagu sameeyay Maamulka Gobolka Bay ee Dowlada Soomaliya ayagoona sheegay in Gudoomiyaha Cusub uu yahay mid ay kafilayaan karti & hufnaan mid shacabka ugu adeega islamarkaana ay garab taagan yihiin .
Dadka daraaseeya Arimaha Maamulada aya waxa ay sheegeen in Dr Abdi Aadan hoosow uu yahay mid meesha kasaaraya baahida bulshada ay u qabaan Maamul wanaaga & Wadaniyada Maadama uu yahay mid in mudo ah dalka kamaqnaa hadana u bareerey in uu xilkaqabto Dowlada Soomaliya.
Daafeet.Com





