Xarig jiid siyaasadeed oo ku dhowaad mudo bil ah ka taagnaa maamulka gobolka Baay ayaa ugu danbayn maanta lasoo afmeeray kadib kolkii wasiirada Gaashaandhiga iyo Arimaga Guduhu ay gaareen magaalada Baydhabo ka dibna kulamo la qaateen dhamaan qaybaha maamulka ee heer gobol iyo degmo.
Dood dheer ka dib waxaa suura gal noqotay in gudoomiyihii hore ee gobolka Baay Cabdifataax Maxamed Ibraahin Geeseey uu xilkii gudoomiye-nimo ku wareejiyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Baay Cabdi Aadan Huusoow
Halkan ka dhegayso khudbooyinkii iyo weliba xilwareejinta