Wasiirka Arimaha Gudaha oo ugu baaqey shacabka gobolka Bay in ey la shaqeeyaan ciidanka nabad gelyada

0
33

w gudahaWasiirka Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlaye shacabka Baay qaar kamid ah ayaa wuxuu sheegay in looga baahan yahay ka shaqeynta dhanka ammaanka ee Gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in hadii shacabka aysan ciidanka ammaanka kala shaqeyn uusan ammaanka hagaageyn marwalibana loo baahan yahay in la muujiyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidanka.

Sidoo kale C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in shacabka Gobalka Baay ay la shaqeeyaan maamulka Gobalka si ay u wanaagsanaato wada shaqeynta dhexmarta maamulka Gobalka Baay iyo shacabka Gobalkaasi.

Hadalka wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanaya iyadoo wafdi wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay booqasho ku joogaan Gobalkaasi shacabkana ay kulamo kala duwan la leeyihiin.

Daafeet.Com