Haweeney la sheegey in Booliiska ku been abuuratay inay Kufsadeen oo Maxakamada ka hor caddeysey maanta inay Kufsadeen ciidamada Booliiska.

0
48

Maxkamadda Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta la horkeeney Wariye Cabdicasiis Nuur Maxamed (Korornto) iyo Shan Qof oo kale kuwaas oo Ciidamada Booliiska ku eedeeyeen in ay isku Kaashadeen Kufsi Been Abuur balse waxay Qireen dadkaasi in aysan wax dambigaa gelin oo ay u Xiran yihiin si Cadaalodaro ah.
Markii ay maanta ka soo muuqdeen Maxakamada ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Qaran uu ku eedeeyey dadkaasi in ay been ka sheegeen Ciidamada Booliiska islamarkaana ay abuureen Kufsi been Abuur ah hase yeeshee Mid ka mid ah Qareenada u doodaya dadkaas ayaa sheegey in dadkaan aysan wax dambi ah gelin islamarkaana ay u xiran yihiin Arrimo Siyaasadeed.
Gudoomiyaha Maxkamada ayaa waxaa uu mid Mid u weydiiyey dadkaasi waxa lagu soo eedeeyeen, Dhamaantoodna waxay shegeen in aysna gelin wax Dambi ah iyadoo Haweeneydii la sheegey in la Kufsadey ay Maxakamada ka hor caddeysey in la Kufsadey islamarkaana la doonayo in dadkii Kufsdey la qariyo, waxayna Maxkamadda ka codsatey in si Cadaalad ah loo qaado Dacwadeeda .
Markii ay kululaatey Doodii Qareenada u doodayo dadkaasi iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaran ayaa waxaa markii dambe soo kala dhex galey Gudoomiyaha Maxkamada oo sheegey in Si degenaan ah loo hadlo iyadoo Qareenada u doodayo Wariye Cabdicasiis ay soo qaateen Qododbo ka mid Xeer Ciqaabta iyo kuwa ka mid Dastuurka Qaranka kuwaas oo sheegya inn dadkaan ay Xaq u leeyihiin in ay helaan Maxkamad Cadaalad ah.
Intii ay Dacwdaa socotey ayaa waxaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Cabduqaadir Maxamed Muuse uu sidaayey Haweeney ka mid ahayd dadkii uu Booliska uu soo eedeeyey oo lagu magacaabo Muniiro Jaylaani Maxamed oo uu Xeer ilaaliyaha uu sheegey in aysan wax dambi ah lahayn taasoo ay la yaab ku noqtey dadkii iyo Wariyayaashii dhageysanyey Dacwadaasi iyadoo Taliyaha Ciidamnka Booliiska Soomaaliyeed uu hore u sheegey in Muniiro ay ka mid tahay dadkii Fududeeeyey Kufsigii been Abuurka ahaa isagoo afka ku balaariyey in Muniro uu u yahay Awoowe.
Gudoomiyaha Maxakamada ayaa ku dhawaaqey in mar kale Dib loo dhigey Dacwadii Cabdicasiis Koronto iyo dadka kale ee la xiran ,waxaana uu sheegey in la isugu soo laaban doonaa Maalinta Sabtida oo ay bishu tahay 2 Feberaayo haddii Eebbe Idmo sida ay Codsadeen Qareenada u doodayo Dadkaasi.