Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga oo 67 Diblomaasi shaqadooda u daysay 28 Diblomaasina cayrisay.

0
59

Kulan ay kaqayb galeen inta badan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya ee haatan ku sugan caasimada Soomaaliya magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga.

Fadhigan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku xigeenada wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga, Agaasimaha guud iyo Xubnaha guddiga dib u habeynta wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ayaa hadal kooban oo soo dhoweyn ah oo uu jeediyay Ambassador Yuusuf Xasan ibraahim “ Yuusuf Dheeg” oo ah gudoomiyaha guddiga ayaa waxa uu ku sheegay in howlaha ay wadaan uu yahay mid horumar u horseedaya geedi socodka cusub ee siyaasadda dibadda Soomaaliya .

Wasiiru dowlaha Wasaaradda wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka ku sheegay in dib u habeyn ay ku sameeyeen shaqaalaha gudaha ee ka howlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga lana waafajiyay sharciga sidoo kalena tallaabada xigta ay tahay inay fariin rasmi ah oo wicitaan ah u diri doonaan Safiirada, Siihayayaasha safaaradaha iyo Qunsulada guud si ay u yimaadaan xarunta Wasaaradda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ku goodiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga aaney marnaba cafin doonin shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda , lana soo qaban doono , lana horkeeni doono cadaaladda .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ka aqriyay madasha qodobada la go’aamiyay kulanka kadib waxayna qodobadaasi kala ahaayeen sida tan:

1-Diblomaasiyiinta aan ku imaan Xarunta Wasaaradda Xilligii loo qabtay , soona gudbin cudur daar la aqbalay , waxaa loo aqoonsaday inay ka tanaasuleen howshii ay Wasaaradda u hayeen .

2-Diblomaasiyiinta aan weli ka howlgelin , kana imaan goobaha ay ku qoran yihiin , waxa ay joogayaan Xarunta Wasaaradda .

3-Waxaa loo aqoonsaday diblomaasiyiinta loo yeeray , 67 ka mid ah inay buuxiyeen shuruudihii Wasaaradda , ayna yihiin shaqaalaha Wasaaradda .

4-Waxaa la go’aamiyay 28 diblomaasi in dib loogu celiyo Wasaaradda Horumarinta adeega bulshada gaar ahaan xafiiska( Shaqada iyo Shaqaalaha) .

5-Wasaaradu waxay dib kasoo sheegi doontaa Safaradaha iyo Qunsuliyadaha la xiri doono iyo isku badalka diblomaasiyiinta iyo howl-wadeenada.

6-Waxaa la farayaa diblomaasiyiinta la ogolaaday inay dib ugu laabtaan goobahooda shaqo .