Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye oo u jawaabay Gudoomiyihii hore ee G/Mudug Dhabane

0
55

Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo maanta u jawaabayay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdirashiid Cali Xaashi Dhabane oo horay u sheegay in golaha uu Afhayeenku u yahay Axmed Diiriye ee Hawiye uu hortaagan yahay maamul ay beelaha Daarood yeeshaan oo ka hanaqaada gobolada Jubada hoose,Tan dhexe iyo Gedo ayaa sheegay inaysan hortaagnayn Maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka balse ay diidayaan inuu Daarood uu awood u sheegto dadka deegaanka iska leh maamul u sameynta Goboladaas iyo kuwa dalka guud ahaan ay mas’uul ka tahay dowlada Soomaaliya sidaa darteedna loo baahan yahay in Dowlada looga dambeeyo.

” Adeer anaga ma hortaagnin Maamulka Jubooyinka loo sameynayo….waxaan wadnaa caqli ay dadka ku heshiin karaan waxaana rabnaa in shacabka jubooyinka ay si siman uga qeyb qaataan maamulkaasi ” ayuu yiri Axmed Diiriye.

Hadaladan kulul ee ay hawada isu marinayaan shaqsiyaad beeleedyada ka kala tirsan Hawiye iyo Daarood ayaa u muuqda inuu bilow u yahay bog cusub oo ay balaayo ka buuxdo oo mar kale la doonayo in lagu dhex qarxiyo shacabka Soomaaliyeed ee hanbada ka noqday dagaal beeleedyadii ay oogeen labadan beelood ee Hawiye iyo Daarood kaasi oo ilaa maanta in la dhayo aan weli guul laga gaarin.

axmed-diiriye.mp3