Maxaad Kala Socotaa Qaab Dhismeedka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose (Ma Xalaal Baa Mise Waa Xaaraam)?

1
148

ShabelahaAkhristayaal ugu horeyn aan idin xasuusiyo Gobalka SH/Hoose, waa gobal dhaca Koonfurta Soomaaliya, wuxuu leeyahay 8 Degmo oo 7 kamid ay degaan Digil iyo Mirifle, Degmada kalena waa Marko oo ay degto beesha Biimaal, waxayna kala yihiin:-

. Afgooye

. Wanleweyn

. Marko

. Awdheegle

. Qoryooley

. Baraawe

. Kurtunwaarey

. Sablaale

Gobalkaan wuxuu deris layahay ilaa iyo 5 Gobal oo kala ah:-

Banaadir, Sh/Dhexe, Hiiraan, Baay iyo Jubada Dhexe.

Beryahaan dambe waxaa soo ifbaxay Tuulooyin sheegtay ama lagu sheegay Degmooyin iyagoon u qalmin Degmo islamarkaana aan soo marin habka sharciga waafaqsan ee Degmo lagu noqon karro, waxaana kamid ah:-

Lafoole, No:50, Tooratoorow, Leego, Goobaanle, Baladul Amiin iyo Janaale.

Fadlan akhri warqada sumadeedu tahay Ref: XRW/LT/00.435/08/12 kana soo baxdey Xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Mudane sidaad kawar heyso Dalku wuxuu galay nidaam Federaal ah  laakiin weli wuu kuu ilmeynayaa Gobalkaad kudhalatey ee Sh/hoose, wuxuuna kuleeyahay “Mudanahaan Jecleynow  Allaah kaasho oo na badbaadi” hana iloobin “Daar burburtey inladhiso waa fududdahay, Damiir burburayse in la dhiso ma fududa”!

Haddaba waakan Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose, Beelaha iyo Deegaanada ay  kasoo jeedaan ama ay matalaan, dhisida maamulkaan waxaa kulug lahaa  Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed, Yuusuf Indhacade, Gudoomiyihii Hore Shariif Xassan Sheekh Aadan  iyo Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha C/samad Macalin Maxamuud waana kan:-

Magaca                                          Qabiilka                                               Degmada

1- C/qaadir Sh. Maxamed Nuur    (Garre/ Digil iyo Mirifle)                              Qoryooley Guddoomiyaha Gobalka

2- C/laahi Muuse Abuukar      (Biimaal/Dir)                                                  Marka    Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda

3- Axmad Cumar Max’d           (Ceyr, H/gidir, Hawie)                                Guriceel  Guddoomiye kuxigeenka Nabadgelyada!

4- C/fataax C/lahi Yuusuf           (5-ta Calemood/Digil & Mirifle)               Wanleweyn Guddoomiye kuxigeenka Dhaqaalaha

5- Cumar Max’ud Cilmi             (Murusade/ Hawie)                                  Ceelbuur  Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada!

6-Yuusuf Max’d Cabdi             (Ceyr, H/gidir/ Hawie)                              Dhuusa mareeb Guddoomiyaha Samafalka Gobalka!

7- Cusmaan  Maxamuud          (Abgaal/Hawie)                                          Biyo cade    Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Samafalka Gobalka!

8- C/laahi Daahir                        (Murusade/Hawie)                                   Wabxo         Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Samafalka Gobalka!

9-C/laahi Cabdi Cumar             (Wacdaan/ Hawie)                                   Lafoole         Xoghayaha Gobalka!

10- C/laahi Cabdi  Faarax           (Ceyr, H/gidir, Hawie)                               Dhuusamareeb          Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka!

11- Ikraam Axmad Gacal            (Murusade/Hawie)                                   Galhareeri            Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka!

12- C/naasir Diini Raage             (Ceyr, H/gidir, Hawie)                              Guriceel          isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka,!

F.G: ninkaan hadda waxaa lagu badaley xaaska nin Majeerteeen ah oo layiraahdo Mr. Leyloon, maadaama wasiirka cusub ee maaliyada ay yihiin qaraabo soke, Magaceeda waa Salaado Max’ed Cusmaan, waana Murusade/Hawiye!

13- Max’d Cali Muumin               (Salemaan, H/gidir, Hawie)                    Cadaado          Xisaabiyaha guud ee Gobalka!

14- C/qaadir Faarax                       (Ceyr, H/gidir, Hawie)                           Guriceel               isuduwaha wasaaradda Beeraha!

15- Cabdi Yare                                (Ceyr, H/gidir, Hawie)                           Guriceel             Maareeyaha Dhulbixinta Gobalka.!

Title-da badankood waa kuwo aan sax aheyn balse lagu doonayo in lagu dhaco hantida Dadka Masaakiinta ah, badankood waxay wataan Maleeshiyo Beeshooda waxaana jidadka ay dhigtaan isbaarooyin, Dumarkana waa Kufsadaan.

Mudane Gudoomiye miyeysan kuula muuqan maamulkaan inuu yahay kii GALGADUUD mise kii Biyaha Webiga beecsan jiray ee Yuusuf Indhacade??!!

Kaliya waxaan kuleyahay ogow “Hogaamiyuhu waa Gaashaanka Shacabka. Waxay ka dagaalamaan dhabarkiisa, wuuna ilaaliyaa”

Mudanahaan jecleynoow xasuuso hadalkii Max De Pree (1989) “The first responsibility of a leader is to define reality. The last is to say thank you. In between, the leader is a Servant”.

Ha iloobin iney na heysato “Fuley awkaa dhaley foolgaradaa kiin dilee”, kaliya geesigeena iyo aqoonyahankeena ayaan xaqirnaa, caaynaa, siyaasadana ka fogeynaa oo ka ilaalinaa!!!

Qore: Daljirka Daahsoon Dulmi-diide Qaran-doone.

Mahadsanidiin.

1 COMMENT

Comments are closed.