Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya Xasan Sheekh oo booqasho ku tegey Dalka Belgium

0
29

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkasoo uu kaga qaybgalayo shir ay leeyihiin dalalka Midowga Yurub, kasoo lagu soo qaadayo arrimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumad rasmi ah ka helay ururka Midowga Yurub, iyadoo madaxwynuhu uu la kulmmi doono madax kala duwan oo ka tirsan kuwa Midowga Yurub.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya isla markaana ah ra’iisul wasaare ku xigeenka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safarrada madaxweynaha ay qayb ka yihiin sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

 

Daafeet.Com