Safiirka Talyaniga iyo wakiilka gudomiyaha gudiga midowga africa oo cambaareyey qaraxii maanta

0
31

mazzellaSafiirka Talyaaniga u qaabilsan Somaliya Andrea Mazzella ayaa cambaareeyey qaraxii saaka ka dhacay albaabka hore ee guriga Reysulwasaraha Dowlada Federalka Somaliya  Cabdi Faraxa Shirdoon

Mr. Mazzella ayaa ku tilmaamay weerarka mid fulaynimo ah, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii ku waxyeelloobay.

War qoraal ah ayuu safiirka ku sheegay in dowladdiisa ay kordhineyso xiriirka ay la leedahay madaxda Soomaaliyeed si loo xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinaca ammaanka, si loo dammaanad qaado xasilloonida caasimadda iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee dalka.

Talyaaniga ayaa ka codsaday ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u soo celinta nabadda, dib u heshiisiinta iyo xasillinta dalka.

Dhinaca kale AMISOM ayaa sidoo kale cambaareysay qaraxa.

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Mahamat Annadif wuxuu ammaan u diray ciidanka dowladda Soomaaliya ee uu sheegay inay ka hor tageen khasaare badan oo soo gaari lahaa shacabka.

Daafeet.Com