Weerar ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay guriga Reysulwasaha hortiisa

0
46

Qarixii 14thWeerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintey laba qofood waxaana ku dhaawacmay weerarkaas tiro kale.

Weerarkan oo aanay weli cidina sheegan ayaa waxaa lala beegsaday ciidammo ilaliya guriga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin dhibaato weerarkaas kasoo gaartay ra’iisul wasaaraha oo xilligaa ku sugnaa xafiiskiisa.

Wakaaladaha wararka oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ay magadciisa ku sheegeen C/qaadir Cali ayaa sheegay in tirada dhimashada ay gaarayso lix qof, kuwaasoo uu ku jiray ruuxii ismiidaaminta sameeyay.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan baaritaanno ay ciidamada dowladdu ku sugayaan ammaanka, waxaana uu weerarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo sannadkan ka dhaca afaafka madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu wadaa inuu shir jaraa’id oo uu ku faahfaahinayo qaraxaan qabto goor dhow. Iyadoo la sheegay in ruuxa Ismiidaaminta sameeyay uu ku socday xarunta nabadsugidda Qaranka ay ku leedahay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Daafeet.Com