Mamulka Somaliland oo sheegey in wax isbedel ah ka iman digniinta ey bixisey dowlada Ingiriiska

0
29

somalilandMaamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay jirin cid ajinabi ah ama u dhalatay dalalka reer galbeedka oo ka baxay deegaannada maamulka tan iyo markii ay soo baxday digniintii dowladda Britain ee muwaadhiniinteeda Somaliland joogta lagu farayay inay isaga abaxaan.

Taliyaha guud ee laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa ugu sheegay wariyeyaasha in aanu jirin wax isbeddel socdaalka ah oo ku yimid dad wadamada kale u dhashay ee Somaliland jooga.

Wuxuu tilmaamay in diiwaanka ay hayaan uu muujinayo in aanay Somaliland ka dhoofin dad reer galbeed ah ama kuwa British ah.

Waxaa jirta warar ay warbaahinta qaar ka tirsan ay qoreen oo lagu sheegayo in dad fara badan oo reer galbeedka oo ka shaqeynayay Somaliland ay isaga baxeen tan iyo markii digniinta xukuumadda Britain ay soo baxday.

Daafeet.Com