Dhagayso"Hawiyow hadaadan inoo diiday inaan dhisano Jubaland waan dagaalamaynaa!!

0
64

digniinGudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdirashiid Cali Xaashi Dhabane ayaa ka dhawaajiyay in Daarood uu ku dagaalami doono sidii ay u dhisan lahaayeen wax uu ugu yeeray maamul goboleedka Jubaland kaasi oo sida uu u dhigay ay beelaha Hawiye ay u diidan yihiin beeshiisa Daarood inay samaysato maamulkaas.

Cabdirashiid Cali Xaashi Dhabane oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Madaxweynayaashii Hawiye oo idil ay is-hortaag ku sameeyeen maamul ay yeeshaan Daarood oo ka curta Koonfurta Soomaaliya waxa uuna tusaale u soo qaatay CabdiQaasim,Shariif Sheekh iyo madaxweyne Xasan Shiikh.

Sidoo kale ayaa Cabdirashiid Cali waxa uu shaki geliyay Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyada Saacid isagoo ku tuhmay inuu u shaqeeyo beelaha Hawiye Inkastoo maalmihii lasoo dhaafay ay sii kululaanayeen doodaha ku saabsan maamul Daarood leeyahay oo ka dhasha gudaha dhulweynaha KoonfurGalbeed ee ay Digil iyo Mirifluhu leeyihiin ayaa hadana waxaad moodaa in Hawiye iyo Daarood ay isugu mindiyo sifaysanayo waxayan lahayn.

Halkan ka dhegayso hadalka

Cabdirashiid-Cali-Xaashi-Dhabane.mp3<