Taliyaha Booliiska oo sheegay inay booliis gayndoonaa Wanlaweyn iyo Kismaayo.

0
32

sheekunaTaliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Shariif Sheekhuna Maye ayaa maanta waxa uu sheegay in ay wadaan qorshooyin ku aadan in ciidamo ay geeyaan degmooyin ka tirsan Gobalada dalka oo ay ugu horeeyaan degmooyinka Wanlaweyn iyo Kismaayo.
Shariif Sheekhuna Maye ayaa sidoo kale sheegay in Ciidankan la geynaayo magaalooyinkaan ay ka shaqeyn doonaan xasilinta ammaanka deeganadaasi oo xilliyada qaar ay ka dhacaan falal lidi ku ah ammaanka “Booliiska Soomaaliyeed marwaliba waa heegan goob walba oo Shabaab laga saarana waa la geynayaa si ay u xasiliyaan”ayuu yiri Shariif Sheekhuna Maye.
Waxa uuna intaa raaciyay in ciidamo Booliis ah dhawaan ay geeyeen magaalooyinka Marka iyo Jowhar xarumaha gobolada Shabeelaha hoose iyo dhexe.

Hadalkan Shariif Sheekhuna Maye Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa imaanaya iyadoo dadka degan deegaanada laga xoreeyay Shabaab ay qaata ka taagan yihiin ciidamada Xooga dalka kuwaasi oo Dil,Boob iyo Kufsiba isugu dara dadka Shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadaas dhacdadii ugu danbaysayna waxaa maanta kooxo hubeysan oo ku lebisnaa dareyska ciidamada dowlada ay rasaas ku fureen gaari rakaab ah oo marayey inta u dhexeysa degaanada Leego iyo Yaaqbiri weyne ee degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose waxaana ku nafwaayay ilaa saddex ruux.