Reysulwasaraha dalka Itobiya oo sheegey in ciidamada Itobiya ey sii joogi doonan dalka Somaliya

0
37

Raysul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dalkiisa ka socda ay sii joogi doonaan Soomaaliya tan iyo inta ay beddelayaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM si looga hor-tago maleeshiyada al-Shabaab.

Hailemariam Desalegn iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaalada Addis Ababa ka sheegay in uu rajeynayo in ciidanka AMISOM ay buuxiyaan goobaha ay ciidamada Itoobiya joogaan marka ay noqoto in ay ka tagaan, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin sabab ay uga baxaan ka hor inta aysan AMISOM soo gaarin goobahaas.

Raysul wasaaraha Itoobiya ayaa tilmaamay inay ciidanka Itoobiya u joogaan qeybo ka mid ah Soomaaliya si u taageeraan dhisidda nabadda iyo taageerada dowladda cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkii ugu horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya tan iyo markii loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.

Daafeet.Com