Isbaarooyinkii tirada badnaa ee yaaley degmada wadajir oo saaka laga qaadey

0
29

In ka badan afar isbaaro oo taalay Degmada Wadajir ayaa lagu soo waramaya in saaka halkaasi aysan oolin islamarkaana gaadiidka ay si ammaan ah halkaasi ay ku marayaan iyagoon wax lacag ah bixineyn.

Wadayaasha gaadiidleeyda ka dhexshaqeeya Wadajir ilaa iyo Soobe ayaa sheegaya in guud ahaan aysan jirin lacago saaka ay ku bixinayaan isbaarooyin yaalay Degmadaasi Wadajir.

Gaadiidleeyda ayaa bixin jiray lacago sharci daro ah oo ay siin jireen afar isbaaro oo taalay Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir halkaasi oo ay dhibaato xoogan ku qabi jireen wadayaasha gaadiidka.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa ka dib kolkii uu maddaxweynaha isbuucii hore ku dhawaaqey in eysan oolin karin wax la yiraahdo isbaaro guud ahaan degmaaoyinka magalada muqdisho ka koban tahay cidii lagu helana sharciga la geyn doono.

Daafeet.Com