Dhalinyaro si Weyn looga Yaqaano Magaalada Baydhabo oo Xabsi lagu Guray

0
75

Waxaa Galabnimadii shalay loo taxaabay Xabsiga Magaalda Baaydhabo Dhalinyaradii ugu Firfircooneyd oo si weyna looga Yaqaano dhamaan Gobolka Baay gaar ahaan Magaalada Baydhabo Janaay.

Dhalinyada Xabsiga la Dhigay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Rag ku Caanbaxay soo Nooleynta Nabada, isku Xirka Bulshada iyo u Gargaarida dadka Reer Baydhabo.

Mas’uuliyiinta Xaq Darada lagu Xiray ayaa Waxay Kala Yihiin:-

Guddoomiyaha Isku xirka Horumarinta Hogaanka shacabka Gobolka Baay Mr.Saabir Colaad Golley, Gudoomiyaha Sports-ka Degmada Baydhabo Daahir Samaraano, Liibaan, Buul Buule, Guumow, Shariif Gacal iyo Maxmed Liibiya.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa wuxuu ku tilmaamay xiritaanka Mas’uulyintaas  iyo dhalinyarda laxiran in ay kadanbaysay kadib markii ay soo qaban qaabiyeen dhaq-dhaqaaqyo lagu soo dhawaynaayo Madaxda Maamulka lamagac baxay Ganaane State oo uu Madaxweyne kayahay Mudane Xuseen Maxamed {Bukuroow}, ayaa Shalay iyo maanta waxa gawaarida intoodi badan ku dhegnaa Sawirka Madaxwaynaha iyo Boorar ay ku qornaayeyn Soo dhawoow Madaxweyne Gacmo Furan Kusoo Dhowoow iyo ereyo kale, taasi oo Maamulka ku sheegay in aan lala Socodsiin.

Waa Markii ugu horeysay Xiritaan Noocaan ah ka dhaco Gudaha Magaalada Baydhabo Tan iyo intii Maamulka kala wareegeen Kooxdii Nabadiidka ahayd ee Al-Shabaab ka araminjirey Mudo Seddax Sano ah Magaalada Baydhabo Janaay.

Daafeet.com