Qarax ka dhacay kaniisad ku taala xafada Islii

0
36

Qarax ka dhacay kaniisadda St. Polycarp ACK ee xaafadda Islii ayaa waxaa ku dhintay hal cunug, shan kalena waaa ay ku dhaawacantay.

Qaraxa ayaa loo maleynayaa inuu ka dhashay bambo lagu aasay ama lagu tuuray dhismaha ay carruurta kaga sugnaayeen kaniisadda.

Afhayeen u hadlay booliiska Kenya oo lagu magacaabo, Charles Owino ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday goob ay caruurtu kaga sugnaayeen Kaniisadda, isagoo sheegay in booliisku ay ku jiraan baaritaanno ku saabsan sida uu qaraxan ku dhacay.

Shacab Kenyan ah ayaa rabshado ka sameeyay xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ku badan tahay, iyagoo ka careysan weerarka lagu qaaday kaniisadda, iyadoo ay taas keentay in ganacsiga Islii oo dhan la xiro

Ma aha markii ugu horeysey oo ey ka dhacaan dalka kenya qaraxyo noocan oo kale ah dhowr jeer oo hore ayaa weerarro noocan oo kale ah oo loo adeegsanayo garneylo lagu qaaday kaniisado ku yaalla dalka Kenya.

Daafeet.Com