Maraakiibta dagaalka ee dalka kenya oo xaley duqeeyey magalada kismaanyo

0
37

Maraakiib nooca dagaalka oo la sheegay in ay leedahay dowladda Kenya ayaa xalay duqeymo ka geystay gudaha magaalaada Kismaayo, iyadoona aan la ogey sababta keentay in Maraakiibtu ay duqeeyaan magaalada maadaama ay ka baxeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay Kismaayo.

Maraakiibtan oo ku sugan nawaaxiga dekedda Caalamiga ah ee Kismaayo ayaa xalay fiidkii dhowr gantaal kusoo tuuray magaalada, waxaana mid kamid ah gantaalladaasi uu ku dhacay nawaaxiga isbitalka Kismaayo.

Illaa imika lama sheegin wax khasaarooyin ah oo ka dhashay duqeymahaasi, haseyeeshee duqeymaha ay xalay Maraakiibta dagaal ka fuliyeen Kismaayo ayaa cabsi iyo weliwel ku abuurtay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Daafeet.Com