Howlgalo baaritaan ah oo laga sameeyey magalada baydhabo

0
32

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro badan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Maxamed Macalin Ibraahin Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Baydhabo oo la hadlay saxaafada ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay sameeyeen howlgal ayna soo qab qabteen dhalinyaro badan.

Wuxuu sheegay in waajibaadka ciidamada dowladda saaran uu yahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Baydhabo ayna soo qab qabteen dad uusan sheegin tiradooda oo iminka la baarayo.

Si kastaba arintu ha ahaatee maamulka ka jira magalada baydhabo ayaad waxaad moodaa inuu yahay maamul dhalinyaradii ku sugneyd magaalada oo dhan ka dhigey alshabab amaba ku tuhmaya iney yihiin alshabab, tan iyo intii ey la wareegeen magalada beydhabo waxaa ey soo qab qabteen dhalinyaro kor u dhaaftey 1000 ayagoo ka buuxiyey xabsiyada ku yaala magalada beydhabo.

Daafeet.Com