Weriye shaley meydkiisa laga heley degmada huriwaa oo maanta lagu aasey deganka KM13

0
55

Wariye ka faalooda barnaamiyada ciyaaraha oo maydkiisa oo qoorta ka go’an laga helay shalay degmada Huriwaa ayaa maanta lagu aasay deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, waxaana wariyahan uu noqonayaa wariyihii shanaad oo toddobaadkan lagu dilo Muqdisho.

Marxuum C/raxmaan Maxamed Cali oo ka tirsanaa shabakad ka faalloota ciyaaraha oo lagu magacaabo cayaarahamaanta.com waxaa dilay rag hubeysan oo ka watay guri ku yaalla xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa shalay oo Khamiis ahayd.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wariyaha qoorta laga jaray, lana soo dhigay xaafadda suuqa xoolaha, halkaasoo markii dambe maydka laga soo qaaday, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka wariyehaas.

Dilka wariyahan ayaa waxay cabsi weyn gelisay wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho oo toddobaadkan uu ahaa midkii ugu cabsida badnaa, maadaama qaraxyo iyo dilal qorsheysan lagu dilay shan wariye oo ka tirsanaa kuwa Muqdisho ka howl-gala.

Daafeet.Com