Ciidamada dowlada iyo kuwa amisom oo la wareegey dekeda magalada kismanyo

0
39

Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala gobollada koonfureed ee Soomaaliya ayaa saakay gudaha u galay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaddib markii ay ka weerareen dhinaca xeebta.

Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidamadooda si buuxda ula wareegeen dekeda  magaaladaasi, isagoo hambalyo u diray ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay gelista Kismaayo oo ahayd magaaladii ugu weynayd ee ay haysatay maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka AMISOM Lt-Gen Andrew Gutti ayaa u soo jeediyay dadka ku nool Kismaayo inay isdejiyaan, “ujeeddada AMISOM waa inay xoreyso dadka Kismaayo, si ay u helaan nabad iyo xasillooni”.

Dadka rayidka ah ee ku nool Kismaayo ayaa ka cabsi qaba in lagu dul-dagaallamo, maadaama ay hadda magaalada ku wada sugan yihiin ciidanka AMISOM iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Daafeet.Com