Weriye goor dhow lagu diley degmada dharkanleey

0
103

Wararka ka imaanaya Degamada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhaw halkaasi lagu Dilay Wariye ka howl Galayay Magaalada Muqdisho.

Wariayaha La dilay ayaa sida lasheegay waxaa uu u shaqeynayay Wakaaladda Wararka Saba ee Dalka Yamam waxaana la tilmaamay in uu Wakaladdaasi la soo shaqeynayay Muddu Badan.

Allaha u Naxariistee Axmed Cabdulaahi Farax ayaa kooxo hubeysani waxa ay ku dileen Degamada Dharkenleey ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda Macadda sababta ka Dambeysay Dilkiisa Kooxi Dilka geystay ayaa isaga baxsaday Halka ay Dilkaasi ka fuleen.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa beryahan magalada muqdiisho kusoo badanaya dilka loo geysto saxaafada kasoo isbuucan keliya kor u dhaafey ilaa iyo 5 weriya yaase inoo sheegi kara waxa mar walba loo dilo qof ku jira saxafada oo aan waxba galabsan yaase ka dambeeya dilkooda.

Daafeet.Com