Dagaal xoogan oo maanta ka bilowdey duleedka magalada kismaanyo

0
28

Dagaal ayaa lagu soo waramayaa inuu saaka ka bilowday duleedka magaalada Kismaayo, dagaalkaas oo ay isaga soo horjeedaa ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya oo saaka maraakiib uga soo dagay dhanka xeebta Cceeldhiig ee magaalada Kismaayo iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan oo ah mid xooggan oo ay labada dhinac isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday kadib markii saaka duleedka magaalada ay soo dhoobteen ciidamo aad u tiro badan islamarkaasina ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Kenyan, kuwaasoo ku yimid Maraakiib nooca dagaalka ah

Ciidamada magaalada soo weerarary ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan kumannaana isugu jira Soomaali iyo Kenyan, waxaana soo daabulayo Maraakiib dagaal oo ku sugan xeebta Ceeldhiig ee magaalada Kismaayo, waxaana warar xog ogaal ah ay sheegayaan in ciidamada huwanta ah ay ku sugan yihiin duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, halka loo yaqaan dalxiiska, nawaaxiga madaxtooyada ilaa Jaamacadda Kismaayo oo masaafo yar u jirta magaalada.

Xoogagga Al-shabaab ayaa abaabul xooggan ka bilaabay gudaha magaalada, waxaana Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ka hadlay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-shabaab ay ugu baaqeen shacabka Kismaayo dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee duulaanka soo qaaday.

Daafeet.Com