Maddaxweynaha dowlada federalka oo cambaareeyey qaraxii shaley

0
101

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo cambaareeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho oo uu kula shiraray mas’uuliyiin ajnebi ah.

Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay in qaraxyadaas aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha qaran ee ay mas’uuliyiinta dowladda u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka tacsiyadeeyay askartii ku geeriyootay qaraxyada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas raaciyay in qaraxyadaasi is halaagnimada ah lagu doonayay in lagu niyad jebiyo ummadda Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyadeedana ay sheegteen maleeshiyada al-Shabaab.

Si kastaba arintu ha ahaatee qaraxyadan ey maleegayaan aruruka alshabab ayaa ah kuwo mar walba soo laablaabta oo aan dhamaad laheyn taasoo mararka qaarkood shacabka ku abuurta qal qal.

Daafeet.Com