Gudomiyaha barlamanka oo kulan la qaatey safiirka somaliya u fadhiya dowlada turkiga

0
28

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambasador Kamuludiin kaani Thuran ayaa waxa ay ka wada hadleen dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Kulanka markii uu soo dhamaday kadib ayaa saxaafada waxaa si wadajir ah ula hadlay labada masuul waxa ayna faah faahin ka bixiyeen waxyaabaha ay kawada hadleen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hadalka ku horeeyay ayaa wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay u balan qaaday dib u dayactirka Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale xarumaha dowladda ee Muqdisho ku yaala.

Ambasador Kamaaludiin Kaani Thuran ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar la yihiin dib u dhiska Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale xarumaha kale ee dowladda.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashadii ka dhacday dalka Soomaaliya iyo isbedelka hogaanka dalka.

Si kastaba arintu ha ahaatee howlaha ey dowlada Turkiga ka heyso dalka Somaliya ayaa ah mid aad u weyn wax ku oolna ah oo la arki karo, ayagoo dayactir ku sameeyo xarumo badan ayagoo deeqo badan oo daawo ah gaarsiiyey somaliya iyo dooqo badan oo raashin ah waana dowlada keliya ee sida aadka ah ugu howlan taakuleynta umada Somaliyeed.

Daafeet.Com