Afhayeenka ururka alshabab oo sheegey in dagalka ey kula jiraan dowlada uusan dhamaan doonin

0
65

Afhayeenka guud ee Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in hadafka iyo dagaalka Shabaab marna uusan aheyn mid isbedeley hadii meesha uu ka baxay Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu umadda Soomaaliyeed uu u cadeynayo in hadafkii dagaalka Ururka Al-Shabaab uu yahay mid taagan oo ay la dagaalamayaan cid waliba oo hogaanka dalkan qabata.

“Jihaadka iyo hadafkii aan u dagaalameynay meesha kama bixin hadii Shariif uu meesha ka baxay anaga dagaalkeena joojin mayno”

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in qof waliba oo loo keeno inuu dalkaan maamulo ama Madaxweyne ka noqdo inay la dagaalamayaan.

Daafeet.Com