Wareegii ugu dambeeyey ee doorashada oo hada bilaabatey iyo Cabdiweli Gaas iyo C/raxman Cosoble oo is casiley

0
39

Waxaa si rasmi ah u soo dhamaaday Wareeggii 1aad ee Tartanka Musharixiinta ku Loolamaya Xilka Madaxweynaha Dalka Soomaaliya iyadoona ay jiraan Musharixin ka haray Tartanka iyo kuwo iyana isaga taanasulay Xilkii ay doonayeen .

Waxaa Wareegii 1aad ka soo Gudubtay Musharixiinta kala ah Shariif Sheikh Axmed , Xasan Sheikh Maxamuud , C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/raxmaar Cosoble Cali kuwaasi oo si aad ugu loolamay Tartanka Doorshada Madaxweynenimo ee Dalka .

Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ee codeynay ayaa tira ahaan waxa ay gaarayeen 271 Mudane kuwaasi oo dhamaan Codeeyay iyadoona Hal cod uu xumaaday halka 270-kale ay ahaayeen codad Hagaagsan.

Natiijada doorashada waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof; Maxamed Sheikh Ismaaciil Jawaari waxaa uu sheegay Doorasghaasi ay u dhacady sidan.

Shariif Sheikh Axmed 64 cod

Xasan Sheikh Maxamuud 60 cod

C/wali Maxamed Cali Gaas 30 cod

C/raxmaan Cosoble Cali 27 cod

Sidoo kale waxaa jiray Musharixiin isaga Tanaasulay Xilkii ay u Loolamayeen ee ahaa Qabashada Hogaanka Dalka Soomaaliya kuwaasi oo kala ah C/wali Maxamed Cali Gaas Iyo sidoo kale C/raxmaan Cosoble Cali.

Taasi ayaana ka dhigtay in laga Gudbo Wareegii 2aad loona gudbo Wareegii 3aad ee Doorashada maadaama ay isugu soo hareen laba Musharax dhamaan Musharixiintii ku Loolamayay Xilkaasi.

waxaana haatan si rasmi ah u bilaawday codeyna mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya wareegga 3aad ee doorashada xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya.

 

 

Yasin Abicar

Daafeet.Com