Kulan ey xaley wada yeesheen Sheekh Shariif iyo Pro jawaari

0
298

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), kaasi oo ku saabsanaa sida looga gudbi karo marxaladda uu iminka dalka marayo.

Madaxweyne Shariif ayaa ugu hambalyeeyay guddoonka baarlamaanka howlaha adag uu hayo, wuxuu ka dhacay kulanka labadaasi mas’uul hoyga guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ahaa sidii ay uga wadatashan lahaayeen in wax waliba ay ku dhammaadaan sidii loogu talagalay, maadaama dalka uu iminka ku jiro marxalad kala guur ah.

Wuxuu ugu baaqay xildhibaannada inay door muhiim ah ka qaataan doorashada dhaceysa 10-ka bishan oo berrito ku beeggan, kaasi oo lagu dooran doono madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari oo sidoo kale warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweynaha ay kaga hadleen xaaladda guud ee dalka, maadaama marxalad kala guur ah uu dalka marayo, isagoo intaas raaciyay inay isku raaceen in howsha loo sii wado sida ay iminka ku socoto.

Yasin Abicar

Daafeet.Com