Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray degmada Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.
Iska horimaadkan oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa wuxuu billowday kaddib markii dableyda hubeysani ay weerar ku qaadeen guri ay degmadaas ka deggenaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dadweynaha ku nool xaafadda uu xalay dagaalka ka dhacay ayaa sheegay inay ka qabaan cabsi weyn inay dagaalladu soo noqnoqdaan, waxaana dagaalkan uu kusoo beegmayaa iyadoo baaritaanno lagu sugayo ammaanka ay ka socdaan qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Habeennadii ugu dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay iska horimadyo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo gacansaar la leh Al-shabaab.
Yasin Abicar
Daafeet.Com