Wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadaan baaritaano xoogan oo ku aadan Magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saaka waaberigii ciidamada dowladda ay arkayeen iyaga oo baaritaano ka wada halkaasi.
Xaafadaha ugu badan oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameyanyaan baaritaanada ayaa waxaa kamid ah xaafada howlwadaag iyo sidoo kale xaafada kale oo ku yaala Magaalada Beladweyne.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka baaritaanka uu yahay mid xoogan islamarkaana ammaanka lagu sugayo.
Yasin Abicar
Daafeet.Com