Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Isniin ah lagu qabto doorashada madaxnimo ee dalka kaddib 42-sano ayaa waxaa ka socda ololayaal doorasho oo ay wadaan 25-ka murashax ee ku tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Dadweyne fara badan oo wata sawirrada murashaxiinta qaarkood iyo baabuur ay ku xiran yihiin cod baahiyeyaal ayna ku dhaggan yihiin sawirrada murashaxiinta oo ay qaarkood heeso ka daaran yihiin ayaa lagu arkayaa waddada Maka Al-Mukarama oo ah midda ugu mashquulka badan xilligan magaalada Muqdisho.
Murashaxiinta ayaa waxay ku tartamayaan sidii ay codadka ku heli lahaayeen ayna dadka uga dhaadhicin lahayaeen inay yihiin mas’uuliyin wax badan ka bedeli doona xaalka uu dalka ku sugan yahay.
Jawiga ay ku jirto Muqdisho maanta ayaa si weyn uga bedelen jawiyadii ay soo martay 21-kii sano ee ay dagaalladu socdeen, waxaana xubnaha xil doonka ah ay ku tartamayaan helidda taageerada shacabka, halka kuwii hore ay taageeradooda ku raadin jireen cabsi-gelinta shacabka.
Yasin Abicar
Daafeet.Com