C iidamada Amisom iyo Alshabab oo Ku Dagaalamay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose

0
132

Dagaalo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa ay ka kala dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay dhex-mareen Ciidamada AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab.

Dagaalada ayaa waxaa ay ka dhaceen degaanka Janaale iyo degmada Buula-mareey ee Gobolkaasi Shabeelllaha Hoose, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada AMISM ku leeyihiin halkaasi.

Dadka ku nool Degaanka Janaale iyo degmada Buulo-mareer ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan xaqiijin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladaas.

Wararka naga soo gaaray Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan inay jiraan degaano kale oo dagaalo ay ka dhaceen,waxaana Maanta degaannadii lagu dagaalamay ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM.