Golaha Labada Aqal oo Maanta Loo Qeybiyey Heshiiska Doorashada

0
69

Barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa loo qeybiyay nuqulka heshiiska doorashada ee ay kala saxiixdeen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah, iyadoo lagu lifaaqay codsi madaxweynuhu ku doonayo in ay barlamaanku meel mariyaan.

Codsiga uu madaxweynuhu u gudbiyay barlamaanka ayaa ka koobnaa afar qodob oo kala ah, in dib loo dhigo doorashadii tooska ahayd, in ay barlamaanku meel mariyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada, inay ansixiyaan in hay’addaha dastuuriga sii joogaan illaa xilka ay kala wareegaan kuwa cusub ee yimaada iyo dhaqan galinta heshiiska.