Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka Hadley Heshiiska Maamul Goboleedyada iyo Madaxda Dowlada

0
117

Guddoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa farriin uu u diray xildhibaanada si rasmi ah ugu sheegay in maalinta berri loo codeyn doono heshiiska doorashada ee ay gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada dalka.

Fariinta uu maanta guddoonka u diray xildhibaanada ayaa lagu yiri: “Mudane xildhibaan berri oo Sabti ah, taariikh 26 September, waxaa jira kulan wadajir ah oo labada gole ee BFS. Ajendaha:

  1. U Codeynta heshiiska siyaasadeed ee jihaynta doorashada xildhibaanada BFS ee 2020/21. Saacadu waa 09:00 subaxnimo.”

Inkasta oo wax kasta ay ka iman karaan kulanka, ayaa haddana wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay u badan tahay in xildhibaanada ay meel-mariyaan heshiiska, si dalka ugu dareero doorasho.

Madax goboleedyada ayaa Muqdisho ku sugnaa tan iyo markii ay heshiiska doorashada la galeen Villa Somalia 17-kii September, ayaga oo waday olole ay xildhibaanada taageero uga raadinayaan inay heshiiska saxiixaan.