Dhegeyso: Axmed Madoobe oo Ka Haldey Heshiiskii ay Wada Gaareen Madaxda Dowlada iyo Maamul Goboleedyada

0
148

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay hehsiiskii doorasho oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in go’aanadii ay Madaxdu gaareen kaliya uu ahaa heshiis, balse aysan aheyn xeer, isaga oo u muuqday mid ka jawaabayay hadalkii Madaxweyne farmaajo ee ahaa in heshiiska doorashada la horgeyn doono Golaha Shacabka.